Al-Shabaab oo Cagta Mariyay Saldhig Ku Yaalla Muqdisho.
Ciidamada milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay weerar toos ah ku qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada DF oo ku yaalla degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.
Saldhigga oo ku yaalla xaafadda Cali Turcaaye oo dhacda cirifka kore ee Suuqa Xoolaha ayaa waxaa ka dhacay iska hor-imaad kooban kaasoo ugu dambeyntii ay la wareegeen milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Inta la xaqiijiyay waxaa askarta DF goobta looga dilay 6 askari iyadoo ay jiraan kuwa dhaawac fudud ah oo cararay. Sidoo kale waxaan xogta ku helnay in Al-Shabaab ay gacanta ku dhigeen 1 askari kaasoo maxbuus ahaan ay goobta uga kaxaysteen.
Intaa waxaa wehliya in DF laga furtay agab milatari oo laga xusay 4 qori oo AK47 ah sida ay baahisay idaacadda Andalus oo ku hadasha afka Xarakada Al-Shabaab.
Dadka ku dhaqan xaafadda Cali Turcaaye oo aan qaarkood la xariirnay waxay inoo sheegeen in saaka uu waagu ugu dillaaacay iyadoo ay burbursan tahay xerada islamarkaana aysan wax askar ah ku sugnayn.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii uu Ra’iisulwasaaraha DF shaaca ka qaaday iney amniga adkeynayaan, goortaasoo ay sidoo kale taliyaha Booliska iyo Wasiirka Gudaha sheegeen in si gaar ah loo sugay ammaanka degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa, halkaasoo xubnaha dowladda ka tirsan biillaabeen iney tagaan.
Saldhiggii xalay la burburiyay ayaa ku yaalla degmada Yaaqshiid.