Al-Shabaab Oo La wareegay Degmooyin iyo deegaanno katirsan Shabeellaha Dhexe.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si buuxda ula wareegay goobo muhiim ah oo katirsan gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ay isaga baxeen ciidamada Dowladda federaalka.
Degmada Ruunirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab si buuxda ula wareegeen.
Waxaa sidoo kale kamid ah goobaha dib ula wareegeen ciidamada Mujaahidiinta deegaannada Ceel-bacad iyo Hilowle-gaab.