Al-Shabaab Oo Weerar ku qaaday Deegaanno katirsan Mandera iyo Lamu.
Habeennimadii xalay ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday deegaan lagu magacaabo Sukela Tinfi oo hoostaga degmada Ceel-Qaalow ee gobalka Mandheera, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan kuwa dowlada Kenya.
Dagaal kooban kadib waxaa degaanka isaga cararay Maleeshiyaadka Home-Gaurd ee ay soo tababaratay dowladda Kenya oo halkaasi ku sugnaa, waxaana Mujaahidiintu ay burburiyeen xaruntii shirkadda Safaricom ee deegaanka.
Lama soo warin khasaare gaarey ciidamada halkaas ku sugnaa, maadaama markii ay xabaddu ku billaabatayba ka carareen goobta.
Dhinac kale Ciidamada Mujaahidiintu waxey xalay dagaal culus ku qaadeen xerada ciidanka Kenya ee magaalada Kiyunga, halkaasna waxay ku gubeen shirkadii korontada.