Dhageyso Beesha Maxamuud Hiraab oo Beyco La Gashay Xarakada Al-Shabaab.
Kulan ballaaran oo shalay ka dhacay magaalada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa waxay beesha Maxamuud Hiraab Beyco kula gashay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Kulanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay Culimada, Salaadiinta, nabadoonada, aqoonyahanka, dhallinyarada iyo qeybaka kala duwan ee hormuudka beesha.
Kulankan ayaa socday muddo 11 maalmood ah ayaa waxa uu ahaa kii labaad ee ay wilaayada Galgaduud iyo beeshu isaga wareystaan duullaanka sannadka jirsaday ee lagu soo qaaday wilaayada.
Beesha Maxamuud Hiraab ayaa cusbooneysiisay beycada ay kula jirto Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Axmad Cumar Abuu Cubeyda. Beycadaas oo ku saleysan in beeshu ay dowr ka qaadato ku dhaqanka iyo difaaca shareecada islaamka.
Kulanka waxaa lagu cambaareeyay nidaamka Dimuqraadiyadda oo ah dhaqan laga soo miinguuriyay wadamada Reergalbeedka kaasoo ay wadato DF.
Waxgaradkii beycada u qaaday beesha waxaa kamid ah Ugaaska Maxamuud Hiraab, Ugaas Ciise Ugaas Maxamad Carab, Gudoomiyaha Nuqabada Wilaayada Galgaduud Nabadoon Mire Wehliye Culusow, Nabadoon Xaaji Bashiir Xayle oo kamid ah golaha nuqabada guud ee wilaayaatka islaamiga iyo Nabadoon Maxamad Warsame (Maxamad Urur)
Beesha Maxamuud Hiraab ayaa kamid ah beelaha Soomaaliyeed ee taariikhda wanaagsan leh, waa beel aanan waligeed soo raacin gumeyste, taa badalkeeda waxay beeshu la dagaalantay gumeystayaashii Ingiriiska iyo Xabashida.
HOOS KALA DEG KALIMAADKA MUNAASABADDA
Kalimadda Ugaaska Maxamuud Hiraab
Kalimadda Nabadoo Xaaji Bashiir
Kalimadda Nabadoo Maxamad Urur