Ciidamada Al-Shabaab oo Weerar Toos Ah Ka Geystay Muqdisho.

Ciidamada milatariga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar toos ah ku qaaday fariisin ay askarta DF ku leeyihiin xaafadda Caymiska oo ka tirsan degmada Yaaqshiid.

Ciidamada DF ayaa Caymiska ku leh isbaaro iyo saldhig, waxaana dagaalka lagu qaaday uu ahaa mid culus iyadoo si aad ah degmada inteeda badan looga maqlayay hubka la isku adeegsanayay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya inuu jiro khasaare soo gaaray dagaalka, balse ma aynaan helin wali tirada rasmiga ah ee khasaaraha. Qof ka agdhow halka ay wax ka dhaceen wuxuu inoo sheegay inuu indhihiisa ku arkayay gaari la saarayo askar gacmaha iyo lugana laga wado, lamana oga iney dhaawac ahaayeen iyo iney meydad ahaayeen.

Sidoo kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay weerar ka fuliyay gobolka Jubbada Hoose, wuxuu ahaa qarax ay la beegsadeen ciidanka Jubbaland kaasoo si gaar ah kaga dhacay halka loo yaqaano Garas Ceebeed oo u dhaxeeya deegaanada Buulo gaduud iyo Janaa-cabdale ee duleedka magaalada Kismaayo.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku dhintay 3 askari oo ka tirsan ciidanka Jubbaland kuwa kalana waa ay ku dhaawacmeen.

Gobolka Bakool, waxaa ka dhacay weerar habeen dheelmar ah oo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaadeen xerada Xabashida Itoobiya ay ka deggan yihiinmagaalada Xudur.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.