Dagaalo iyo qaraxyo hor leh oo ka dhacay Duleedyada Wabxo iyo Cows weyne.
Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa Maanta Dagaalo iyo qaraxyo la beegsaday Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka ah oo Dhawaan Duulaan ku tegay Degaano ka tirsan Gobalka Galgaduud kuwaasoo qaar laga dilay.
Ugu yaraan Sadax Askeri ayaa Saaka Barqadii Dowladda Federaalka ah looga dilay Dagaal ka dhacay Duleedka Magaalada Wabxo gaar ahaana agagaarka Ceel Gorof.
Isla Maanta Qarax ayaa ka dhacay Meel kale oo Duleedka wabxo ah kaasoo lala beegsaday Isla Ciidamada Dowladda Federaalka ah.
Sadax qarax oo Shalay ka dhacay Gudaha Magaalada wabxo waxaa lagu dilay 4 askeri halka sagaal kalena waa lagu dhaawacay taasina khasaraha ka saacada gudahood waxay ka dhigeysaa 16 Todobo ka mid ah la dilay Sagaalna dhaawacyo qabaan iyadoo Goob Caafimaad oo Dhaawacyada lagu daweeyana aan la hayn maadaama Magaalada laga kala qaxay,
Geesta kale Laba qarax iyo ayaa Maanta Ciidamo kale oo Dowladda Federaaka ka tirsan lagula beegsaday Duleedka Degaanka Cowsweyne ee Isla Gobalka Galgaduud iyadoo sidoo kalena kamiin loo dhigay.
Dagaalka Duleedka Cowsweyne iyo qaraxyaduba waxay Khasaare gaarsiiyeen Ciidanka Duulaanka ahaa ugu yaraan hal askeri ayaana la xaqiijiyay in uu Geeriyooday halka lix kalena dhaawacyo soo gaareen,
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay Mas’uuliyada Weeraradaan Khasaaraha sababay ee argagaxa geliyay Ciidamada kale ee weli bad qaba.