DEG-DEG: Saraakiil Caddaan ah Oo Camaliyad Lagula beegsaday Duleedka Ceel-buur.

 

Warar deg deg ah oo kusoo dhacaya warqabadka Idaacadda islaamiga ah ee Al-Furqaan ayaa warinaya in camaliyad Nafhurnimo ah lagu beegsaday ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka oo maraya duleedka degmada Ceel-buur ee gobolka Galgaduud.

Camaliyadda ayaa ahayd mid aad u culus oo jugteeda deegaanno fog fog laga maqlay, waxaana la beegsaday askarta Dowladda federaalka xilli ay socdaal ku jireen.

Camaliyadda Nafhurnimada ee ka dhacay duleedka Ceel-buur waxay si gaar ah u beegstay ciidamada Bankraft ee uu Maraykanku tababaray, waxaana kolonyada la socday saraakiil caddaan ah.

Waxaa lasoo warinayaa inuu jiro khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray ciidamada Dowladda federaalka, wixii soo kordha waan soo gudbin doonnaa Inshaa Allaah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.