DF oo Ku Hungowday Codsi Ay La Tagtay Xalane.
Kulan ayaa saacadihii lasoo dhaafay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho ku dhex maray mas’uuliyiin ka tirsa Qaramada Midoobay iyo taliyayaasha ciidamada DF qaarkood waxaana looga hadlay xilliga kala guurka ah iyo wajiga labaad ee bixitaanka ciidamada shisheeye.
Mas’uuliyiintii DF ku matalayay kulanka oo baaritaan adag la marsiiyay markii ay xerada galayeen ayaa loo jeediyay khudbado ku aadan iney isku tashadaan maadaama bisha soo socota dalka laga saarayo sadax kun oo kale oo askari.
Shirka waxaa goobjoog ahaa taliyaha ciidanka DF oo lagu magacaabo Ibraahim Muxuyidiin kaasoo xafiiska Qaramada Midoobay ee Unsos ka codsaday in Atmis ay kala qeyb gasho dagaalada hadda socda isagoo u sheegay iney wajahayaan duruufo adag.
Haweeneyda madaxda ka ah xafiiska xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Akacyira ayaa ka dhawaajisay in ay DF ka taageeri karaan oo kaliya dhanka saadka, iyagoo ku nuux-nuuxsatay in ay ku hawlan yihiin fulinta qodobka tirsigiisu yahay 2687(2023), oo qeexaya bixitaanka ciidamada ATMIS.
Ciidamada shisheeye oo markii hore isku magacaabi jiray Amisom ayaa dalka kusoo duulay sannadkii 2007 markii ay Qaramada Midoobay iyo Mareykanku yaqiinsadeen in askarta Xabashidu aysan sii joogi karin Soomaaliya.
Ujeedada loo keenay ciidankan ayaa ahayd in ay qabsadaan Soomaaliya oo dhan sida ay marar badan sheegeen mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay, kuwa reergalbeedka iyo DF, hase ahaatee, hadda waxay wadanka ka baxayaan iyagoo xeryo lagu soo ooday, khasaare badan oo taariikhda galayana loogu geystay wadankan caanka ku ah gumeysi diidka.