DF oo laga dalbaday Iney Bixiso Magta Ciidankii 14 October.
Kulan ay magaalada Nairobi ku yeesheen xildhibaano iyo xubno kale oo ka tirsan DF kana soo jeeda beesha biyamaal ayaa waxaa looga hadlay ciidamadii faraha badnaa ee lagu laayay kuliyadda Jaalle Siyaad kuwaasoo intooda badan laga soo diiwaan geliyay Marko iyo nawaaxigeeda.
Inkastoo kulanka aysan ka muuqan siyaasiyiinta caanka ah oo ay kamid yihiin Cabdiraxmaan Ibbi iyo Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, haddana waxay xubnahan sheegeen iney metalayaan oo u doodayaan xuquuqda ciidankaas la laayay.
Kulankooda kadib waxay soo saareen war qoraal ah oo ay DF uga dalbadeen iney jawaab ka bixiso sababta keentay in askartaas laga soo qaado magaalada Marko islamarkaana dib loogu celiyo tababarka xero ammaankeedu halis yahay oo ku taalla magaalada Muqdisho.
Xubnaha kulanka kasoo qeyb galay ayaa wajiyada kusoo xertay maro gaduudan si lamid ah sida ay sameeyaan dadyowga reergalbeedka marka ay baroordiiqayaan, waxayna DF ugu baaqeen iney magdhow ka bixiso ciidankan la dilay sidoo kalana dibadda u qaado askarta dhaawaca ah kuwooda dalka wax looga qaban waayay.
Warmurtiyeedka ayaa waxaa DF loogu baaqay iney jawaab degdeg ah ka bixiso dalabka sidoo kalana guddo madaxbannaan u saarto baaritaanka weerarka khasaaraha badan dhaliyay ee 24kii bishii lasoo dhaafay ee Julay ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Weerarkii kuliyadda jaalle Siyaad ayaa saameyn weyn ku yeeshay DF. Inkastoo ay maalinkii koowaad ka aamuseen, haddana waxay aad uga qeyla dhaamiyeen maalmihii xigay kadib markii khasaaraha la qarin waayay.
Taliska ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa war rasmi ah ku xaqiijiyay in weerarka lagu dilay ugu yaraan 73 askari in ka badanna ay ku dhaawacmeen, illaa iyo haddana ma dhicin in DF ay dibadda u qaaday askarta dhaawacyadoodu daran yihiin ee ay dhaqaatiirtu gacanta ka taagteen.