Dhageyso: Al-Shabaab Oo Dagaal Kula Wareegay Degaan Katirsan Gedo, & Howlgallo Kala Duwan Oo Ka Dhacay Koonfurta Dalka.
Xalay saacaddu markey aheyd 11:00-PM waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar cagmarin ah ku qaadeen, fariisin ay askarta maamulka Jubbaland ku leeyihiin degaanka Geedweyne oo hoostaga degmada Doolow ee gobalka Gedo.
Dagaal muddo socday kadib, waxay ciidamada Al-Shabaab la wareegeen gacan ku heynta saldhigga iyo guud ahaan degaanka.
Weerarkaan waxaa lagu dilay 2 askari oo uu midi yahay taliyihii amniga ee degaanka Geedweyne, kaas oo lagu magacaabo Jiir Ismaacil oo ku magacdheer (Ciiley) halka askariga kalena magaciisa lagu sheegay Cabdow Xuseyn, dhaawacana waa 2 kale oo lagu kala magacaabo C/Naasir Iley iyo Xuseyn Indho.
Sidoo kale waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab dagaalkaan kusoo furteen 2 gaari oo nuuca raaxada ah, kuwaas oo kala ah Noha iyo Suzuki, 2 qori oo AK-47 ah iyo booshashkooda.
Sidoo kale 2 qarax ayaa lala beegsaday ciidanka Bangaraf oo kasoo baxay garoonka magaalada Kismaayo, mid kamid ah gaadiidkii ay wateen ayaana lagu gubay qaraxa, waxaana goobta kusoo degtay diyaarad helocobter ah oo daabushay meydadka iyo dhaawacyada Bangaraafta.
Halkaan Ka Dhageyso Faahfaahin Dhameysyiran Oo Ku Aaddan Dhacdooyinkaas.