Dhageyso Cadeymaha dadkii ku dhaawacmay Duqeyntii Buq Aqable.
Maalmo ka hor magaalada Buq aqable ee gobalka Hiiraan waxaa lagu garaacay duqeymo waxyeello ay kasoo gaartay qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaaladaasi.
diyaaradaha Maraykanka ayaa geystay duqeynta sida ay Alfurqaan uxaqiijiyeen waxgaradka ku nool Buq aqable.
Qaar kamid ah dadka ku dhaawacmay duqeynta ayaa iska fogeeyay inay katirsan yihiin Alshabaab iyagoo is weydiiyay sababta loo duqeeyay.
Halkan ka dhageyso Codadka Dadkii ku dhaawacmay duqeynta Buq aqable.
Dowladda federaalka ayaa soo dhaweysay duqeymo aan kala sooca laheyn oo maalmihii lasoo dhaafay lagu garaacay magaalooyin ku yaalla gobalada Hiiraan iyo Bay.