Dhaqaalihii ugu ballaarnaa ee Yurub oo halis ku jira!
Wadanka Jarmalka oo kamid ah wadamada qaaradda Yurub kuwooda ugu dhaqaalaha ballaaran ayaa wajahaya xaalado cakiran oo saameyn ku yeeshey dhaqaalaha dalka, sicir bararka, suuq yarida iyo shaqaalo la’aanta ayaana ugu weyn waxyaabaha halis gelinaya dhaqaalaha wadankaas, sida ay warbixinnada soo baxaya tilmaamayaan.
Dabayaaqadii sagaasheemyadii, aya dhaqaalaha Jarmalka waxaa ku dhacay hoos u dhac aad u ballaaran, iyadoo ay korortay tirada baagamuundada, xilligaasna waxaa aad u shaac baxay mustalaxa loogu magacdaray bukaankii Yurubiga cadaa, laakiin dowladda Jarmalka ayaa qaaday tallaabooyin degdeg ah oo lagu dardar geliyay suuqyada iyo barnaamijyada adeegyada bulshada.
Isbedelkaas ay sameysay xukuumadda wuxuu xilligaas suurogeliyay in dalku uu si degdeg ah markale ku noqdo awood wax dhoofisa, iyadoo ay yaraatay baaga muundada, laakiin cudurkii saf mareenka ahaa ee Coronavirus iyo dagaalka Ukraine ee socda labada sano ayaa markale dhulka la galay dhaqaalihii Jarmalka iyo si guud Yurub iyo caalamka, iydoo dadaalladii xukuumadda Barlin ka dhigay hal cabaad lagu lisay.
Halkan ka dhagayso Warbixin Dhaqaalaha Jarmalka oo dhulka galay