Faafaahin: Saraakiil iyo Askar ku dhimatay dagaalkii duleedka Muqdisho.

Xafiiska Warfaafinta ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa baahiyay war saxaafadeed kasoo baxay taliska ciidamada Xarakada Al-Shabaab kaasoo lagu faafaahiyay khasaaraha ka dhashey dagaal maanta ka dhacay duleedka Muqdisho.

Waxaa la xaqiijiyay in dagaalkaas lagu dilay 12 askari oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka oo ay kamid yihiin 2 sarkaal oo hogaaminayay dagaalka, waxaa sidoo kale dagaalka oo ahaa mid culus lagu dhaawacay 7 askari, halka lagu gubay 2 gaari.

Waxaa sidoo kale bayaanka looga hadlay howlgal weerar toos ah oo ciidamo katirsan Xarakada Al-Shabaab ku qaadeen isbaaro ku taalla deegaanka Baar-Sanguuni. Dagaalkaas waxaa lagu dilay 7 askari, iyadoo lagu dhaawacay 7 askari, halka lagu soo furtey 5 AK-47 ah iyo qori BK ah.

Halkan ka akhriso bayaanka kasoo baxay Taliska ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.