Howlgallo Askar lagu dilay Oo ka kala dhacay Duleedyada Baydhabo iyo Diinsoor.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa howlgal qorsheysan waxay maanta ka fuliyeen duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Baay, kaasoo lagu soo qabtay 2 askari oo katirsan ciidamada maamulka Koonfur galbeed.
Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in isla goobta lagu dilay labada askari ee doonayay iney si dhuumaaleysi ah ku galaan magaalada Diinsoor, iyadoo laga furtey qoriyaashii iyo booshashkii ay wateen.
Galabnimadii maanta fagaare ku yaala deegaanka Iidaale ee u dhow magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu soo bandhigay meydadka labada askari ee ay dileen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Dhinac kale, duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa ka dhacay weerar qorsheysan oo lagu dialy 2 askari oo katirsan kuwa maamulka Koonfur galbeed.
Waxaa howlgalka sidoo kale lagu soo furtey hubkii ay wateen labada askari ee la dilay.