Gabar Uu Dhalay Aadan Madoobe oo Gudi DF Ka Tirsan Lagu Daray.

Hadal heyn badan ayaa ka dhalatay xil loo magacaabay gabar uu dhalay gudoomiyaha Baarlamaanka DF Aadan Maxamad Nuur (Aadan Madoobe)

Gudi ay khamiistii ansixiyeen golaha wasiirada oo lagu magacaabo gudiga istaraatiijiyadda qaranka kana kooban 8 xubnood ayaa waxaa lagu daray gabadha gudoomiyaha Baarlamaanka oo lagu magacaabo Xabiibo Aadan Madoobe.

Arrintan ayaa waxaa ka dhashay hadal heyn badan oo baraha bulshada ah iyadoo dad kumannaan qof ay ay tallaabadan ku sifeeyeen mid ka marqaati kacaysa musuqa dowladda ka dhex jira.

Aadan Madoobe ayaa la sheegayaa inuu arrinkan kaga dayanayo Xasan Sheekh kaasoo gabar uu dhalay kusoo daray DF, awood ballaaranna ka dhex siiyay wasaaradda arrimaha dibadda.

Todobaadyo ka hor ayay ahayd markii wasiirka ganacsiga Jibriil Cabdirashiid Xaashi uu sheegay in shaqooyinka ugu muhiimsan uu u dhiibayo dadka ugu dhow ee qaraabadiisa ah.

Siyaasiyiinta ayaa aad ula yaaban dowladda Xasan Sheekh oo ay ku eedeynayaan iney la timid ficil aanan horey loo aqoon oo ah in madaxdu ay xaasaskooda iyo ubadkooda ay kusoo daraan dowladda iyagoo waliba xilal iyo shaqooyin xasaasi ah u magacaabaya.

Sannadihii lasoo dhaafay waxay DF kaalinta koowaad ka galeysay musuqmaasuqa adduunka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.