Inkabadan 30 qof ayaa ku dhintey daadad ku dhuftay Caasimadda Shiinaha.

Warbaahinta dalka Shiinaha ayaa baahiyay in daadad xoog leh oo ku dhuftay magaalada caasimadda ah ee Bakiin ay ku dhinteen inkabadan 30 ruux, iyadoo ay jiraan dad weli la la’yahay raqdooda iyo ruuxdooda.

Ugu yaraan 33 qof ayaa la xaqijiyay iney ku dhinteen daadad saacadihii lasoo dhaafay ku dhuftay magaalada Bakiin ee caasimadda Shiinaha, waxaana la la’yahay ugu yarana 18 qof, kuwaasoo loo badinayo iney daadadku qaadeen.

1.29 malyan oo qof ku nool magaalada caasimadda u ah Shiinaha ayay saameeyeen roobab xoog leh oo saacado keliya ka da’yay magaalada Bakiin, halka sidoo kale burbureen 59 kun oo guri, iyadoo ay waxyeello gaartey 147 kun oo guri.

Inkabadan 100 kun oo qof ayaa ka barakacay guryahooda oo ku yaala magaalada caasimadda u ah Shiinaha, wadooyinka magaalada ayaana isku bedeley webiyaal qulqulaya, dadka ayaana adeegsanaya doonyo yar yar si ay isugu kala gudbaan ama gurmad loogu gaarsiiyo dadka ku go’doonsan xaafadaha.

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in howlaha lagu doonayay in lagu dayactiro wadooyinka burburey ama lagu biyo bixiyo magaalada ay wajahayaan culeesyo adag, iyadoo boqolaal kamid ah shaqaalaha dowladdana ay ku howlanyihiin arinkaas.

Dhawaan ayay ahayd markii dad SHiienes ah oo ku dhaqan gobollo deris la ah dalka ay sheegeen in dowladda ay kusoo rogtey daadad xoogan oo ay kasoo leexisay magaalada caasimadda ah ee Bakiin, taasina ay sababtay iney dhintaan dad badan, malaayiin kalena guryahooda ka barakacaan.

Arimaha mucjizada iyo la yaabka leh waxay tahay in wadanka Shiinaha ay ka jiraan kuleylo aad u daran, xilli welibana dalku ka da’ayaan roobabo xoogan, waxaana waxyeello adag gaartey beeraha ay kasoo go’aan dalagyada la quuto.

Waxaa lagu soo waramayaa in shan meelood hal meel gelleyda kasoo go’da dalka Shiinaha xilligan ay gebi ahaanba baaba’day sababo ku aadan kuleylaha iyo roobabka wada socoda ee dalka ka jira.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.