Janaraal Qaanso oo U Geeriyooday Dhaawacii Guriga Saraakiisha.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa ku geeriyooday Janaraal Cabdullaahi Maxamad Qaanso oo kamid ahaa xubnihii ku dhaawacmay weerarkii ay Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku qaaday gurigii hore ee saraakiisha oo ku yaalla agagaarka wasaaradda gaashaandhigga ee Muqdisho taariikhdu markey ahayd 26 Dul-Xijja 1444 H (14 July 2023).

Weerarkaas oo ahaa mid nafhurnimo ah ayaa lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen saraakiil kamid ah kuwa DF oo darajadoodu kala duwan tahay xilli ay ku hawlanaayeen abaabulka iyo qorsheynta dagaallo ka dhan ah degaano ka tirsan wilaayaadka islaamiga ah.

Tobannaan sarkaal ayaa ku dhimatay weerarka iyo mas’uuliyiin heer maamul ah, waxaana ku dhaawacmay Janaraallo, Korneyllo iyo saraakiil soo baxaysay oo ay shisheeyuhu tababareen.

Janaraal Cabdullqaahi Maxamad Qaanso ayaa kamid noqday dadka u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray. Eheladiisu waxay sheegayaan in aysan DF la taacalin dhaawaca Janaraalka oo ahaa mid cuslus, islamarkaana aaney u qaadin dalka dibaddiisa.

Janaraal Qaanso ayaa muddo aad u dheer kusoo jiray ciidamada DF, wuxuu ahaa nin galaangal ku dhex leh qeybaha ciidamada sidoo kalana gacan saar la leh shisheeyaha.

DF ayaa sannadkan iyo kii ka horreeyay lumisay saraakiishii ugu badnaa, waxaana tirakoobyo kala duwan oo la sameeyay lagu sheegay in saraakiisha dowladda laga dilay ay kor u dhaafayaan 350.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.