Kabo kutukade”Ciidamada Ceelbuur ku sugan isbar qabta oo ku Cibro qaata Ciidamadii Lagu laayay Cowsweyne”

Xili saacadihii lasoo dhaafay is badalo ay ka dhaceen magaalooyin katirsan gobalka Galgaduud oo ay isaga carareen Askarta dowladda dibna ula wareegeen ciidamada xarakada mujaahidiinta alshabaab ayaa waxaa isa soo taraya dadka isbadaladaasi ka hadlaya kuwaasi oo isugu jira mas”uuliyiin iyo qeybaha bulshada inteeda kale.

Waaliga shabeelaha dhexe sheekh Yuusuf sheekh Ciise Kabo ku tukade oo ka hadlay dagaalkii Cowsweyne ee lagu laayay ciidamo aad ubadan oo katirsan dowladda ayaa ugu horeyn boggaadiyay oo hanbalyeeya kaalinta iyo dowrka dagaaladii dhacay ku lahaayeen beelaha Murusade, Maxamuud hiraab iyo Waceyls.

Kabo ku tukade oo duulaanka ka hor la hadlay ciidamada dowladda uguna digay inay ka joogaan dagaalka ka dhanka ah deegaanada shareecada lagu maamulo ayaa sheegaynin dagaalkii Cowsweyn uu sababay dhimashda ciidam laba boqol ku dhaw goobtuna ay ciidamada kaga carareen 70 gaadiidka dagaalka ah.

Dagaalkii cuslaa ee ka dhacay Cowsweyne ayaa askarta dowladda uhorseeday inay isaga cararaan Wabxo Galcad Ceeldheer Budbud iyo Masagawaay waxaana dib ula wareegay ciidamada mujaahidiinta.

Waaliga shabeelaha dhexe ayaa markale la dardarmaay ciidamada dowladda ee ku sugan Ceelbuur isagoo usoo jeediyay inay is maareeyaan oo ay isbarbar qabtaan iyagoo ku cibro qaadanaya khasaaraha gaaray ciidamada dowladda oo wax gurmad ah aan ka helin dowladda.

Halkan ka dhageyso Hadalka Sheekh Kabakutukade.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.