Kenya oo Jilib Ka Geysatay Duqeyn Ay Ku Dishay Caruur & Haween.
Ugu yaraan afar qof oo shacab ah ayaa ku nafwaayay duqeyn ay habeenkii xalay diyaaradaha dagaalka ee Kenya ay ka geysteen degmada Jilib ee wilaayada Jubbooyinka.
Diyaaradahan ayaa illaa sadax gantaal ku tuuray magaalada waxayna ku kala dhaceen xaafadaha Bandar-Jadiid iyo Faanoole, halkaas oo ay ku dileen 4 qof oo isugu jira caruur iyo haween.
Sidoo kale diyaaradaha Kenya ayaa duqeynta ku dhaawacay 4 qof oo kale oo shacab ah oo ay ku jiraan caruur iyo haween.
Duqeynta ayaa waxay dhacday xilli ay dadku intooda badan hurdeen oo ah afar saac habeennimo maadaama bulshadu u badan tahay beeraley iyo xoolo dhaqato.
Kenya ayaa todobaadyo ka hor sidan oo kale u duqeysay degmada Ceelcadde ee gobolka Gedo halkaasoo ay ku dishay dad abriyo ah. Sidoo kale waxay muddo 2 bilood ka hor ah duqeysay degmooyinka Saakow, Salagle iyo isla Jilib waxayna ku dishay 3 haween ah.
DF ayaa duqeymaha noocan ah bogaadisa mar walba waxayna ku sheegtaa kuwa ay fuliyeen saaxiibadeed laguna burburiyay saldhigyo ciidan.
Todobaadkii lasoo dhaafay duqeyn lagu beegsaday caruur iyo haween kana dhacday degmada Galhareeri ee wilaayada Galgaduud waxay DF sheegtay in 3 saldhig lagu burburiyay iyadoo beesha Murusade ay cambaareysay arrintaas.
Wlh Kenya inan laga yeeleyn waxa shacabkeyga ku sameysana laga goyn dono shacabkga