Saraakiil katirsan Dowladda Federaalka Oo Muqdisho Lagu Toogtay.

Waxaa goordhow magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka dhacay howlgal gaar ah oo lagu beegsaday sarkaal sare oo katirsan ciidamada milliteriga Dowladda federaalka.

Degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho ayaa rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxay ku toogteen korneel lagu magacaabo Cali Cabdi Maxa’ed oo loo yaqaano Qoriyow, kaasoo kamid ah saraakiisha sare ee milliteriga Dowladda federaalka.

Ragga dilka geystay ayaa goobta si nabad geliyo ah kaga dhaqaaqay, waxaana mardambe halka uu dilka ka dhacay soo gaarey ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka.

Dhinac kale, howlgal midkan lamid ah oo ka dhacay xaafadda Macalin Nuur ee degmada Dharkenley waxay ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku toogteen sarkaal booliis labo xidigle ah kaasoo lagu magacaabo Xasan Maxa’ed Ibraahim oo ku magac dheeraa Basalow.

Waa howlgalkii shanaad oo tan iyo xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana muuqata in laamaha amniga ee Dowladda federaalka ay hor istaagi la’yihiin dhiiranaanta ciidamada Xarakada Al-Shabaab.

You might also like
1 Comment
  1. Shooter yare says

    Waa maqalnay waxa boliska loogu yeero ama ciidanka loogu yeero ama madaxda federalka loogu yeero. Raggaas waxaa meesha ku hayaa ajaanibta maraykan horboodayo.
    Maraykan waa yahuud iyo xumbo ay wadato. Dalkiina iyo hantiddina Allah ayaa idin siiyey nasiib baad usheen, xumbo soomaliyeed oo madax ama ciidan ay kusheegaan waa khiyaano. Dagaal waa khiyaano.
    Tirtira. Dagaalama inta ruux idin kanoolyahay. Xaq iyo dal iyo dadba waxaa leh idinka . Yaan laydin dabar goyn. Dabar gooya gaal iyo waxa uu dugaalsado, Oo afkiina iyo midabkiina leh.

Leave A Reply

Your email address will not be published.