Maamulka Gobolka Banaadir oo u xoog sheeganaya Dad Marras ah oo degan Muqdisho.

Dowladda federaalka ayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxay ka wadaa boob hantiyadeed oo aad u ballaaran, iyadoo la wareegeyso guryo iyo goobo ay dad shacab ah deganaayeen 30-kii sano ee lasoo dhaafay.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa maalmahan ku howlanaa in dhul ku yaala degmada Xamar weyne oo lagu magacaabo Case Italia uu ka barakiciyo dadka ku ganacsada, taas bedelkeedana lagu wareejiyo ganacsato lacago laaluush ah siisay madaxweynaha Dowladda federaalka.
Dadka ku ganacsada goobtan ayaa warbaahinta kasoo muuqday dhawaan, waxayna sheegeen in loo xoog sheeganayo, dhulkii ay ku ganacsanayeen waqtiga fogna lagu amray iney ka guuraan, haddii kalena ay la kulmi doonaan tallaabo adag.
Dowladda federaalka oo ka xanaaqday arintan ayaa ciidamadeeda booliiska waxay weerar kusoo qaadeen qaar kamid ah haweenkii warbaahinta kasoo muuqday, iyadoona jirdil iyo xabsi isugu dartey.
Dadka xabsiyada la dhigay waxaa kamid ah Xaawo Geeldoox oo ah hooyo umul ah, lana kala fogeeyay iyada iyo dhallaankeeda yar iyo haweeney kale oo lagu magacaabo Salmo Abuukar Xasan, waxaana wadarta guud dadka la xirey ay dhanyihiin 5 ruux oo isku qoys ah, kuwaasoo ay ku jirto haweeney da’ ah.
Maamulka gobolka Banaadir ayaa war uu soo saaray wuxuu ku sheegay in burburinta dhulka Casa Italia ee degmada Xamarweyne iyo in laga saaro dadka deganaa ay timid iyadoo la fulinayo codsi ka yimid safaaradda Talyaaniga ee magaalada caasimadd ah ee Muqdisho.