Malleyshiyo Ka Fallaagowday Cali Jeyte oo Qabsaday Wadooyin.
Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa laga soo sheegayaa xiisad colaadeed oo u dhaxaysa laba malleyshiyo oo horey u wada socday balse laba garab u kala jabay.
Sida ay dad goobjoogayaal ah inoo sheegeen, Cali Jeyte ayaa waxaa ka fallaagoobay qaar kamid ah malleyshiyadiisii, kuwaasoo qabsaday wadooyin ka tirsan magaalada Baladweyne.
Malleyshiyada ayaa sheegay in ay kasoo horjeedaa Cali Jeyte qudhiisa kana tabanayaan eedo badan, iyagoo dhanka kale uu Jayte isku dayayo inuu la dagaalamo.
Xog la helayo ayaa sheegeysa in malleyshiyada ku fallaagowday Cali Jeyte ay lacag ka qaateen maamulka Hirshabelle, tanina waxay ka dhigan tahay in magaalada Baladweyne ay wada joogaan 3 malleyshiyo oo kala madax bannaan.