Masuul: Ciidamada DF Ee Sh/Dhexe oo Hubkooda Iibsanaya.

Ciidamada DF ee ku sugan qaar kamid ah degmooyinka furimaha ah kulul ah ee gobolka Shabeelaha dhexe ayaa billaabay iney ka dhuuntaan xeryaha islamarkaana iibsadaan hubka.

Arrintan ayaa isi soo tareysay todobaadyadii lasoo dhaafay, waxaana kiiskii ugu dambeeyay uu ka dhacay degaanka Daaru-nicma sida ay sheegtay DF, halkaasoo lagu qabtay 3 askari oo hubkooda ka iibsaday dadka shacabka ah islamarkaana doonayay iney baxsadaan.

Taliyaha ciidamo ku sugan Daarunicma oo lagu soo tababaray dalka Masar dhawaan ayaa sheegay in ciidamadu ay ku baxsan karaan labo wado oo kaliya iyo mid sadaxaad oo ay ugu goosan karaan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab. Wuxuu xaqiijiyay in ay qabteen 3 askari oo ka tirsan ciidamadiisa.

Askarta ka baxsanaysay goobaha dagaalka ayaa waxaa la geeyay goob ay joogaan saraakiil ka tirsan garsoorka ciidanka DF kuwaasoo lagu eedeeyay iney ku xadgudbeen dastuurka iyo xeerka ciqaabta.

Xeer ilaaliyaha ayaa sheegay in ciidamadan ay sameeyeen khalad weyn maadaama iyagoo cusub oo dalka Masar lagu soo tababaray ay iibsadeen hubkooda islamarkaana doonayeen iney dhuuntaan.

Abuukaate u doodayay askarta lagu heysto iibsiga hubka ayaa dhankiisa sheegay inaan gar loogu lahayn dhallinyaradan in la ciqaabo, wuxuuna sabab ka dhigay in aan la barin xeerka ciidamada DF, meesha lagu soo tababarayna ay tahay dalka Masar.

Goosashada ciidamada DF ayaa muujineysa culeyska iyo duruufaha ku heysta jiidaha hore ee dagaalka, marar badan waxay madaxda DF askartooda ku eedeeyeen ineysan lahayn caqiido ay kula dagaalamaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Askarta hadda firxaneysa ee dalka Masar ayay DF ugu magac dartay magaca saxaabiga Khaalid Bin Waliid iyadoo uga dayanaysa magacyada ay wataan ciidamada XSHM, laakin durbadiiba guutadii loogu magac daray Khaalid Bin waliid waxay billowday goosasho.

Ciidankan markii Muqdisho laga soo dirayay waxaa lagu soo sagootiyay heeso, waxaa la arkayay iyagoo murugeysan oo ay haddana hortooda ka heesayaan haween labisan dharka ragga.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.