Puntland oo DF Ku Eedeysay Iney Musuqday Lacag.
Maamulka Puntland ayaa DF ku eedeeyay in ay musuqmaasuqday dhaqaale ay shisheeyaha reergalbeedku ku bixiyeen in lagu qabto mashaarcii kala duwan.
Wasiirka maaaliyadda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa xaqiijiyay in madaxda DF ay sameeyeen takrifal gaar ah iyo cadaalad darro.
Hadalkan oo uu ka sheegay magaalada Garowe ee gobolka Nugaal ayaa kusoo aadaya iyadoo uu muddo sannad ka badan khilaaf ka dhex jiro DF iyo maamulka uu hogaamiyo Saciid Deni.
Maamul-goboleedyada intooda badan waxay is khilaafsan yihiin Xasan Sheekh iyagoo saluugsan habka uu wax u wado iyo sida uu u maareynayo dhaqaalaha ay ka helaan shisheeyaha.
Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maalmaha soo socda qorsheynaya inuu safar ugu ambaboxo dalka Imaaraatka Carabta isagoo ka faa’iideysanaya khilaafka soo kala dhex galay Imaaraatka iyo Xasan Sheekh.