Qaaradda Afrika; Hooyga Afgembiyada Milliteriga. [DHAGAYSO WARBIXIN]

Qaaradda Afrika waxaa lagu tiriyaa iney tahay deegaannada ugu badan ee marti geliya afgembiyada milliteriga, ee talada looga tuuro xukuumadaha madaniga ee doorashooyinka ku yimid, tan iyo lixdameeyadii xilligaas oo inta badan wadamada Afrika ay xurnimo ka qaateen gumeystayaashii reer galbeedka waxaa qaaradan ka dhacay ugu yaraan 200 oo afgembi, waxaana tani ay keeneysaa in wax la iska waydiiyo asbaabaha horseedaya inaaney afgembiyada milliterigu ka damin qaaradan, si xiriir ahna u dhacaan.

Inqilaabkii Niger ayaa ahaa kii ugu dambeeyay ee ka dhaca qaaradda Afrika, kaasoo talada looga tuuray madaxweynihii dalkaas Muxamad Baazuum, ahaana xaliifka Faransiiska iyo reer galbeedka ee wuqooyiga Afrika, milliteriguna ku sheegeen in dalka ay ka hirgeliyeen maamul xil gaarsiin ah.

360 milyan oo ruux ayaa lagu qiyaasaa dadka ku nool qaaradda Afrika, waana meelaha ugu badan caalamka marka laga hadlayo nisbada faqriga, inkastoo qaaradda uu Allaah ku manneystay ilo dhaqaale oo baahsan, hadana loogama faa’ideysan sidii la rabay, waxaana u sabab ah gumeystaha oo weli si dadban qaaradda u maamula iyo hogaamiyaashii talada haya oo ah dad ku tilmaaman musuq-maasuq iyo wax isdabamarin.

Halkan ka dhagayso Warbixin Afrika, hooyada afgembiyada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.