Shil Ay Dad Ku Dhinteen oo Ka Dhacay Soomaaligalbeed.

Shil sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay dhulka Soomaaligalbeed saacadihii lasoo dhaafay.

Shilka oo ka dhacay inta u dhaxaysa Godey iyo Qabridaharre ayaa waxaa sababay kadib markii uu wadada ka baxay gaari ay saarnaayeen dad rakaab ah, waxaana ku dhintay 3 qofood.

Dadka dhintay ayaa waxaa la sheegay iney arday ahaayeen, waxaana jira kuwa kale oo dhaawacmay. Shilalka ayaa ku badan dhulka Soomaaligalbeed maadaama uusan lahayn laamiyo iyo wadooyin wanaagsan.

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.