Taaliban Oo Billowday in Afqanistaan kasoo saarto Shidaal.
Wasaarada macdanta iyo batroolka ee Imaarada Islaamiga ah ee Afgaanistaan ayaa ku dhawaaqday inay bilowday soo saarida shidaalka ee ceelasha Balaak Qashqari oo ku yaal mandiqada Amuu Darya gobolka Sarbul ee waqooyiga wadankaasi.
Mashruuca lagu soo saarayo shidaalka ayey wasaaradani u kaashaneysaa shirkad laga leeyahay wadanka Shiinaha, waxaana isagoo ka hadlaya furitaanka howlaha shidaal qodida uu Sheekh Shihaabu Diin Dalaawar wasiirka wasaarada kheyraadka uu sheegay in mustaqabalka dhow ay qadarka naftada ee laga soo saari doono ceelasha Balaak Qashqari gaarsiin doonaan 100 tan maalin walba.
Waxaa uu sidoo kale ku tilmaamay furitaanka howlaha lagu soo saarayo naftada tallaab muhiim u ah horumarinta dhaqaalaha Afgaanistaan, isagoona balanqaaday in mashruucaasi ay shaqo ka siin doonaan in badan oo kamid ah dadka ku dhaqan gobolka Sarbul iyo kuwa gobollada kale.
Afayeenka wasaarada batroolka iyo macdanta Imaarada Islaamiga ah Humaayuun Afgaan ayaa sheegay in 9 ceel oo kuwa naftafa ah ay ku yaalaan deegaanka Aamu Darya, xajmiga wax soo saarkooda imikana uu gaarayo 350Tan.
Halkan ka dhagayso Warbixin-Shidaal-soo-saaris-ka-billaabatay-Afqanistaan.mp3