Taliska ATMIS oo Sheegay Iney Ka Go’antahay Ka Bixitaankooda Soomaaliya.
Taliska ciidamada shisheeye ayaa mar kale ku celiyay yookooda ku aadan ka bixitaankooda Soomaaliya ah dal ay duullaan ku joogaan muddo 15 sano ah.
Maxamed El-Amine Souef oo ah madaxa hawlgallada kumeel-gaarka ah ee ururka la baxay midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday iney ku hawlan yihiin istaraatiijiyadda bixitaanka.
Hadalkan ayuu ka sheegay booqasho uu ku tegay magaalada Kismaayo oo kamid ah meelaha ay heystaan ciidamada shisheeye, wuxuu hoosta ka xarriiqay in ay ciidamada DF ku wareejinayaan ammaanka.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu tilmaamay iney ku hawlan yihiin qiimeyn farsamo oo ku aadan bixitaanka wajiga labaad oo dhacaya bisha nagu soo aadan, goortaas oo la qorsheynayo iney wadanka ka baxaan 3000 oo askari oo soo duulayaal shisheeye ah.
Shirka uu uga qeyb galay Kismaayo oo ay goobjoog ahaayeen shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay iyo saraakiisha ATMIS ayaa diiradda lagu saaray sidii la iskula fahmi lahaa degaanada la faarijinayo ee sadaxda kun ee askari laga saarayo.
Wajigii koowaad ee bixitaanka waxaa ciidamada shisheeye wadanka laga saaray 200 oo askari kuwaasoo faarijiyay 6 saldhig oo meelo kala duwan ah.