Video: Sida Uu U Dhacay Weerar Ay Al-Shabaab Kula Wareegeen Xero Ku Taalla Muqdisho.

Kanaalka wararka ee Al-kataa’ib ayaa duhurnimadii maanta baahiyay muuqaal soo bandhigaya weerar dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kaasoo ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab kula wareegeen fariisin ay joogeen askarta DF ee uu Imaaraadku sameystay.

Muuqaalka waxaa laga dheehanayaa in uu dagaal kooban dhex maray labada dhinac, kadib-na ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay la wareegeen gabi ahaanba xerada oo ku taalla xaafadda Cali Turcaaye oo ka tirsan Suuqa Xoolaha, degmo ahaanna hoos tagta Heliwaa.

Weerarkan oo lagu dilay 6 askari ayaa waxaa sidoo kale lagu qabtay askari ka tirsan ciidanka DF. Xilligu waa habeen si xerada loo arkana waxay ciidamada XSHM ku shidayaan iftiin, indhahaagu waxay qabanayaan qaar kamid ah meydadka ciidamada DF.

Askariga maxbuuska ah ee lagu soo qabtay dagaalka ayaa qudhiisa kasoo muuqanaya filimka, wuxuuna lama filaan ku tilmaamayaa in ciidamada XSHM ay ka dagaalamaan Muqdisho islamarkaana cagta mariyaan xero dhan oo ay ku sugnaayeen ciidan la sheegay in tababar khaas ah lasoo siiyay.

Askariga Maxbuuska ah ayaa eedeyn u jeediyay Xasan Sheekh oo ah madaxweynaha DF, wuxuu ku dhalliilay inuu been u sheegay uguna warramay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab laga sifeeyay wadanka.

Ciidamadan lagu soo bandhigay muuqaalka ayaa dowr bilood ka hor lagu soo tababaray wadanka Uganda, waxaa dhaqaalaha tababarka bixiyay Imaaraadka Carabta oo iyagu lagula heshiiyay iney ciidankan hoos tagaan.

Ujeedada magaalada Muqdisho loogu gaar yeelay ayaa ahayd baqdin ay DF ka muujisay weerarada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka dhanka ah xarumaha dowladda, laakin iyagii (waa ciidanka e) ayaaba ammaan heli waayay.

Filimka waxaa lagu sheegay in askartaas aysan nabad heli doonin iska daa iney ilaaliyaan xarumaha dowadda’e.

KALA DEG MUUQAALKA LINKIYADA HOOSE

https://www.facebook.com/CaliTurcaaye1445/videos/123973700739970

https://ok.ru/video/6864658107086

https://archive.gnews.to/index.php/s/XXtLEZEN2kBa2y2

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.