Waa Maxay Muuqaalka Uu Ka Qeyliyay Wasiir Fiqi? (Daawo)

Axmad Macallin Fiqi oo ah wasiirka arrimaha gudaha DF ayaa ka qeyla dhaamiyay muuqaallada iyo sawirrada soo bandhigaya meydadka askarta laga dilay iyo gaadiidka laga soo furtay kadib markii uu baraha bulshada aad ugu baahay muuqaalkii ugu dambeeyay ee ay Al-kata’ib kusoo bandhigtay dgaaalkii Camaara ee wilaayada Mudug.

HALKAN KA DEGSO MUUQAALKA UU KA QEYLIYAY

Muuqaalka ayaa waxaa sii faafiyay dad badan oo kasoo horjeeda ciidamada shisheeye iyo DF kuwaasoo ku kala sugan wadanka gudihiisa iyo dibaddiisa.

Fiqi ayaa sheegay iney jiraan dad qurbaha ku nool oo jecel guusha Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo jabka DF, wuxuu si gaar ah ugu eedeeyay iney had iyo goor soo baahiyaan meydadka askarta DF iyo gaadiidka looga furto goobaha dagaalka.

Waa markii ugu horreysan oo ay DF si rasmi ah u qireyso in askar looga dilo goobaha dagaalka islamarkaaga gaadiid looga furto. Dhawaan ayay ahayd markii uu wasiirka gaashaandhigga sidan oo kale uga qeyla dhaamiyay muuqaallada iyo sawiirada laga soo qaado jabka ciidankooda.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.