Warsaxaafadeed: 8 Askari oo Imaaraatku Leeyahay oo Muqdisho Lagu Dilay.

Taliska ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta warsaxaafadeed kasoo saaray hawlgallo iyo weerarro lagu dilay ciidamo ka tirsan kuwa Soomaalida ah ee Imaaraatka hoos taga kuwaasoo dhowr bilood ka hor lagu soo tababaray wadanka Uganda.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu faahfaahiyay weerarka koowaad oo xalay ka dhacay xaafadda Cali Turcaaye ee degmada Heliwaa, waxaa lagu sheegay in lagu dilay 6 askari, lagu soo qabtay 1 askari oo maxbuus ah, laguna soo furtay hub iyo rasaas.

Sidoo kale taliska ciidanka XSHM ayaa sheegtay mas’uuliyadda 2 weerar oo maanta ka dhacay Muqdisho laguna beegsaday ciidamadaas, mid kamid ah weerarada waxa uu ka dhacay agagaarka hotel Garguurte, waxaana lagu dilay 1 askari, halka weerarka sadaxaad oo ka dhacay isgoyska Cali kamiin lagu dilay 1 askari oo kale.

Halkan Kala Deg Warsaxaafadeedka oo PDF ah

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.