Xaalad Murugo ah oo heysata haween Muslimaad ah oo ku xiran Suuriya. [Warbixin]
Kaamka Al-Howl ee gobolka Al-Xasakah ee wadanka Suuriya waa meel astaan iyo calaamad u noqotay sanadihii tagay dacfiga iyo taagdarida heysata muslimiinta, waxaana halkaas lagu hayaa kumaankun oo caruur iyo haween u badan oo muslimiin ah, kuwaasoo kasoo jeeda daafaha adduunka, dalkaasna ku tagay hijro iyo iney ku hoos noolaan Shareecada Islaamka.
Malleeshiyaadka Kurdiyiinta ee cilmaaniyiinta ah oo ay taageereyso dowladda Maraykanka ayaa halkaas ku heysta dadkan marrasta ah ee aaney jirin cid u maqan, Allihii abuurtey mooye, waxaana qisaska iyo sheekooyinka laga soo warinayo kaamkaas ay yihiin kuwa qalbi xanuun leh oo taabanayo qof kasta oo muslim ah oo dareemi kara miskiinnimada haweenka iyo caruurta.
Kumaanka kun ee haweenka iyo caruurta isuga jira ee halkaas ku nool waxaa kamid ah haween muslimaad ah oo kasoo jeeda dalka Marooko, website lagu magacaabo Carabi Post ayaana ka qoarey warbixin uu si gaar ugu eegayo xaaladda ay wajahayaan qoysas badan oo Marookaan ah, isagoo soo xiganay ehelladooda jooga dalka Maqrib.
Khadiija, waa haweeney Marookaan ah oo degan magaalada Tadhwan, waxay tan iyo sanadkii 2018-ka bil weliba u diri jirtey dalka Suuriya lacag dhan 300 oo dollar, si ay u biishaan gabadheeda iyo gabar oo ay ayeeyo u tahay, kana mid ah haweenka muslimaadka ee kuxiran xabsiga Al-howl ee dhaca wuqooyi bari Suuriya.