Khasaare Culus oo Gaaray Xabashi 6 Maalmood Ku Socdaalayay Ceelbarde- Xudur.

Khasaare culus ayaa gaaray ciidamo Itoobiyaan ah oo muddo ka badan 6 maalmood ku socdaalayay inta u dhaxaysa degmooyinka Ceelbarde iyo Xudur ee gobolka Bakool.

Labada degmo oo saacado la isaga gooshi karo ayaa isku socodkooda ku qaatay mudada intaa la eg sababo la xariira weeraro iyo qaraxyo ay si joogto ah ula kulmayeen.

Ciidankan Xabashida ay ayaa iyagoo rafaadsan tagay degmada Xudur si ay u badalaan Xabashida halkaasi ku sugan, waxaana ay la tageen meydadka 8 Itoobiyaan ah, dhaawaca 11 kale iyo sidoo kale dhaawacyada 4 askari oo Soomaali ah oo wadooyinka tusayay.

Ciqaab adag ayaa ciidanka Xabashida ku qabsaday gobolka Bakool todobaadyadii lasoo dhaafay, waxaana uu khasaaraha ugu badan gaaray kuwii loo soo diray iney bedelaan Xabashi ku daashay degmada Waajid oo aan muddo dheer wax badal ah helin.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.