Askar Udhalatay Baxreyn oo Lagu Dilay Weerar ay Xuuthiyiintu ka Geysteen Xuduudda Sucuudiga.

Waaxda difaaca ee dowladda Baxreyn ayaa shaacisay, in la dilay 2 kamid ah ciidanka dalkaas, 2 kalena lagu dhaawacay weerar ay maleeshiyaadka Xuutihiyiinta ka geysteen xarun ay ciidankaan ku lahaayeen xuduudda Koonfureen ee uu dalka Yeman la wadaago Sucuudiga.

Bayaan kasoo baxay waaxda difaaca ee Baxrey ayaa looga tacsiyeeyay, geerida sarkaal iyo askari katirsan ciidanka dalkaas kuwaas oo lagu dilay weerarka Xuuthiyiinta, iyadoo intaa ku dartay in weerarka lagu dilay ciidankooda loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee loo yaqaanno Drone-ka.

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu shaaciyay in tiro askar ah ay ku dhaawacmeen weerarka lagu qaaday fariisimaha ciidamada xukuumadda Baxreyn ee fadhigoodu yahay xadka koonfureed ee dalka Sacuudiga, iyadoo sidoo kale lagu sheegay in weerarkaan uu kusoo aaday iyadoo ay joogsadeen dhaq dhaqaaqyada ciidan ee u dhaxeeya dhinacyada ku dagaalamaya dalka Yemen.

Waxay intaa ku dareen in diyaarad ay la socdaan koox dhaqaatiir ah loo diray halka uu weerarkaaan ka dhacay, si ay usoo daad gureeyaan dhaawacyada ciidanka xukuumadda Baxreyn, uguna soo celiyaan dalkooda.

Taliska ciidamada isku dhafka ah ee Isbaheysiga carbeed ee duullaanka ku qaaday dalka Yemen ayaa cambaareeyay weerarka oo ay ku tilmaameen mid qiyaano ah oo qeyb ka ah howlgallada cadowtooyo ee ay tan iyo bishii lasoo dhaafay sida xiriirka ah ay geysanayaan Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta.

Weeraradaan oo ay ku tilmaameen kuwa cadow tooyo ah ayay isbahaeysiga carbeed ee duullaanka ku jooga dalka Yeman waxay sheegeen, in lagu beegsaday xarun korontada bixisa iyo saldhig bolis oo ku yaalla mandiqaddaan dhacda xuduudda Yeman.

Dhankeeda xoghayaha guud ee golaha iskaashiga Khaliijka, ninka lagu magacaabi Jaasim Maxamed Al-Badawi ayaa hogaamiyaha Baxreyn Xamad Bin Ciisa uga tacsiyeeyay dilka Sarkaalka iyo askariga katirsan ciidanka Baxreyn loogu geystay xuduudda Yeman iyo Sucuudiga.

Bilooyinkii lasoo dhaafay waxaa dalka Yeman laga dareemayay xasillooni aan gaca badan ku taagneen, taas oo looga nastay dahaallo ku dhawaad 9 sano ka hor ka qarxay dalkaan, kuwaas oo u dhexeeya ciidanka xukuumadda Yeman ee taageerada ka helaya isbaheysiga Carbeed, iyo maleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo iyagana ku tiirsan xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.