Bin Salmaan: Waxaan Ku Dhownahay Inaan Heshiis La Gaarno Yahuuudda.
Waraysi uu Muxamad bin Salmaan siiyay telefeshin laga leeyahay dalka Maraykanka ayu uku sheegay in maamulkiisa uu qarka u saaranyahay inuu caadiyeeyo xiriirka kala dhexeeya Yahuudda xooga ku heysata dhulka Filastiin.
Barnaamij ka baxa telefeshinka Fox News ee dalka Maraykanka ayuu Muxamad bin Salmaan waraysiga siiyay, wuxuuna ka jawaabay su’aalo dhowr ah oo la xiriira arimaha mandiqadda, isagoona markii ugu horeysay si cad u sheegay iney socdaan wadahadallo ay garwadeyn ka tahay dowladda Maraykanka, laguna doonayo in lagu caadiyeeyo xiriirka kala dhexeeya Yahuudda.
“ Boqortooyada Sucuudiga, waxay maalinba maalinta xigta usii dhawaaneysaa iney caadiyeyso xiriirka kala dhexeeya Israa’il, laakiin qadiyadda Filastiin ayaa kaalin weyn ka qaadaneysa wadahadallada socda” ayuu yiri Muxamad bin Salmaan, dhaxalsugaha maamulka Aala-Sucuud.
Wuxuu intaa ku daray “ waxaa jira dadaal xoogan oo uu bixinayo maamulka Biden, laguna doonayo in heshiis nabadeed ay ku kala saxiixdaan Sucuudiga iyo Israaiil”.
Isagoo sii hadlaya Muxamad bin Salmaan, dhaxalsugaha maamulka Aala-Sucuud wuxuu sheegay in wahadalalda soconaya uu ujeedku yahay sidii Yahuudda looga dhigi lahaa dad saameyn ku leh arimaha waxa loogu yeero mandiqadda bariga dhexe, wahadalladana ay ku socdaan qaab wanaagsan, natiijo fiicanna ay ka rajeynayaan.
Mar uu ka hadlayy isku dayada Aal-Sucuud ee ah inuu helo hub nuclear ah, wuxuu sheegay MUxmaad bin Salmaan iney arintaasi halis tahay, laakiin ay ku qasbanyihiin iney isku dayaan hadiiba Iiraan ay heysaneyso hubka Nucelarka, si miizaanka awoodeed ee bariga dhexe loo dheellitro.
Waa markii ugu horeysay oo uu dhaxalsugaha maamulka Aala-Sucuud si toos ah uga hadlo inuu doonayo caadiyeynta xiriirka Yahuudda iyo dhulka Xarameynka, iyadoo sanadkii 2017-ka warbixin soo baxday lagu sheegay in bin Salmaan uu booqasho qarsoodi ah ku tagay magaalada Talla’biib ee caasimadda Yahuudda.
Sanadihii tagay iyo bilooyinkii lasooo dhaafay wufuud kala duwan oo Yahuudda ka socota, ayna ku jiraan ganacsato waaweyn iyo wariyaal caan ah ayaa booqasho ku tagay dhulka Xarameynka, kuwaasoo tilmaamaya inaaney meel fog jirin in si rasmi ah loo caadiyeeyo xiriirka Yahuudda iyo maamulka Aala-Sucuud.