C/raxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay Codsiga dowladda ee hakinta Atmis.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo katirsan Xildhibaanada golaha baarlamanka ahna Ergayga Xasan sheekh abaaraha uqaabilsan ayaa ka hadlay fashilka heysta dowladda federaalka oo bilihii lasoo dhaafay laga dilay kumaan askari lagana furtay hub iyo gaadiid badan.
isagoo ka hadlay kulan ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ayuu ugu horeyn Cabdiraxmaan ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee ka dhex jira dowladda iyo maamul gobaleedyada.
“Dadku siyaasiyan waxaa ka dhaxeeya khilaaf hadey tahay dowlad iyo dowlad gobaleedyo” ayuu yiri Cabdiraxmaan isagoo qiray in khilaadkaasi uu sababay dhaqaalle la’aan iyo is qabqabsi udhaxeeya saraakiisha ciidamada.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo hadal qaaday ciidamada Atmis ee isaga baxaya dalka iyo codsiga dowladda ee ku aadan in 3 bil dib loogu dhigo bixtaanka Atmis.
“horay waxaa loogu heshiiyay Amisom in la siiyo hub dagaalna gasho dowladuna ay dhisato ciidan”ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishuukr xili uu ka hadlayay sida uu ku yimid heshiiska la xiriira Bixitaanka Ciidamada Atmis oo ay gashay dowladii Farmaajo.
Cabdiraxmaan ayaa sheegay bixitaanka Ciidamada Atmis uu kusoo beegmay xili aysan helin hubkii loo balanqaaday dowladuna aysan dhisan ciidan xooggan taasi oo sababtay in dowladdu ay codsato in la hakiyo go’aanka Atmis isaga baxayso Soomaaliya.