Dagaallo Culus oo Magaalada Gonder ku Dhexmaraya Ciidanka Itoobiya & Maleeshiyaadka FANO.

Dalka Itoobiya, gaar ahaan gobalka Amxaarada waxaa wali ka soconaya dagaallo xooggan oo u dhexeeya ciidanka Xabashida Itoobiya, iyo maleeshiyaadka Amxaarada ee loo yaqaanno FANO, kuwaas oo soconaya muddo bilo ah.

Dagaallada xooggoodu waxa ay ka soconayaa magaalada Gonder ee gobalka Amxaarada, halkaas oo saacdihii lasoo dhaafay ay isku fara saareen ciidanka fedaraaliga ah iyo jabhadda FANO, ee dagaalka kula jirta xukuumadda fadhigeedu yahay magaalada Adis Ababa.

Axaddii lasoo dhaafay ayaa lagu soo waramayaa, in Maleeshiyaadka Amxaarada ee FANO ay gudaha u galeen magaalada Gonder, taas oo keentay iney iska hor-imaadyo culus halkaasi ku dhex maraan ciidanka xukuumadda kooxdaan fagaallada ah oo horraan ay hal saf wada ahaa.

Dowladda Xabashida Itoobiya oo mudooyinkii lasoo dhaafay sheeganeysay guulo waxba kama jiraan ah ayaa sidaba ay caadadeedu aheyd waxa ay sheegtay in ciidankeeda ay iska caabiyeen maleeshiyaadka Amxaarada FANO ee weerarka soo qaaday, islamarkaana ay ka dileen 50 Maleeshiyaad ah.

Dagaallada gobalka Amxaarada oo u muuqda kuwa dib usoo laba kacleeyay, waxaana goobaha qaar laga soo sheegayaa, duqeymo ay fulineyso dowladda Xabashida Itoobiya, kuwaas oo qaarkood ay beegsadeen dadka rayidka ah, sidaba ay soo tabineyso warbaahinta dalkaas iyo tan caalamiga ah.

Geesta kale dowladda Itoobiya ayaa wali ku howlan, qafaalka ay ka wado magaalada caasumadda ah, kaas oo lagu beegsanayo dadka kasoo beegsanaya dadka Amxaarada ah iyo shaqsiyaadka xiriirla laeh maleeshiyaadka FANO ee kaa dagaallamaya gobalka Amxaarada.

War kasoo baxay golaha waxa loogu yeero xuquuqda aadanaha ee dalka Itoobiya, ayaa dowladda Xabashida ee Itoobiya waxaa lahgu eedeeyay iney sii wadaan xariga sharci darrada ah ee ka socda magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Dagaallada culus ee u dhexeeya ciidanka xukuumadda iyo Maleeshiyaadka FANO ayaa waxay billawdeen bishii April ee lasoo dhaafay, ka gadaal markii ay kooxdaan fallaada ah diiday amar kasoo baxay xukuumadda Xabashida, kaas oo ahaa iney hubka dhigaan maleeshiyaadka ka dhisan gudaha Itoobiya oo ay FANO ku jirto.

Sawirro lagu baahiyay baraha Internetka ayaa muujinaya, meydadka ciidanka Xabashida Itoobiya oo daadsan laamiyada magaalada Gonder.

Dowladda Itoobiya ayaa wajaheysa culeyso kala duwan, inkastoo heshiis laga gaaray cilaaddii sanadada ka u dhexeysay kooxda TPLF iyo dowladda, ayaa haddana waxaa taa badalkeeda galay xiisadda iminka ka dhex aloolsan xukuumadda Adis Aababa iyo maleeshiyaadka Amxaarada ee FANO.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.