Dagaallo Saraakiil Lagu Dilay Oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe.
Wararka ka imaanaya deegaannada dhaca duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa tilmaamaya in halkaas ay ka dheceen dagaallo culus oo dhexmaray Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo kuwa Dowladda Federaalka oo taageero ka helaya malleeshiyaad Macwiisley ah.
Dagaallada ayaa ka dhacay deegaanka Cali Fooldheere ee hoostaga degmada Mahadaay, dhinacyada dagaallamay ayaana isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona markii dambe dib loo riixay askarta Dowladda federaalka oo duullaan ahaa.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa xaqiijinaya in dagaalkii ka dhacay deegaanka Cali Fooldheere lagu dilay saraakiil muhiim u ahaa olole dagaaleedka ay wado Dowladda federaalka, gaar ahaan kan ka socoda gobolka Shabeellaha Dhexe.
Saraakiisha ku baxay gacanta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxaa kamid ah Abshir Maxamad Gaafow, oo ahaa taliyaha malleeshiyaadka Macwiisleyda degmada Mahadaay iyo Cabdi Maxamuud Cali (Tooratoore) oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka, sidoo kalana ahaa Agaasimaha Amniga maamulka degmada Mahadaay.