Dhageyso Waxgarad sheegay Maraykanka inuu Soomaaliya ka geysanayo danbiyo dagaal.

Xili todobaadyadii lasoo dhaafay duqeymo ka dhacay Gobalada Galgaduud iyo Bakool ay ku dhinteen Haween iyo Caruur ayaa qaar kamid ah waxgaradka Soomaaliyeed waxay Maraykanka ku eedeeyeen danbiyo dagaal inuu ka geystay Soomaaliya.

Cabdullaahi Ansaari oo afhayeen u ah odayaadha dhaqanka Gedo ayaa sheegay maraykanka inuu ku fashilmay dagaalka uu muddo Alshabaab kula jiro  ee hoggaamiyayaashoodu ku ugaarsanayo.

Wuxuu xusay si ula kacd ah diyaaradaha Maraykanku ulaayeen dad shacab ah oo haween iyo caruur ku jiraan.

Maxamed Xasan oo kamid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee ku nool  mid kamid ah goballada ay duqeyntu ka dhacday ayaa aaminsan Maraykanka inuu danbiyo dagaal ka geysanayo Soomaaliya isagoo tilmaamay inay cadeymo buuxda u hayeen khasaaraha rayidka kasoo gaaray duqeymo aan kala sooc laheyn oo diyaaradaha Maraykanka geysteen todobaadyadii lasoo dhaafay.

Halkan ka dhageyso Falanqeynta Maxamed Xasan iyo Cabdullaahi Ansaari

Diyaaradaha Mareykanka ayaa todobaadkii tagay  8 ruux oo shacab ah oo ka kooban laba dumar ah iyo lix caruur ah ku dilay duleedka degmada Buurdhuxulle ee wilaayada Islaamiga Bakool.

Waxaa kasii horeeyay duqeyn kale oo Diyaaradaha dawlada Maraykanka dad shacab ah ku xasuuqay taasi oo ak dhacday d deeganka Ood-weyn ee hoostaga degmada Ceel-Garas ee Galguduud.

5 Caruur ah oo da’doodu u dhaxayso 7 sano ilaa 3 sano iyo ayeeyadood ayaa duqeynta ku dhintay.

Ciidamo Maraykanka ah oo goobta ku soo degay ayaa qaatay maydadka shacabkii ay xasuuqeen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.