Dhegeyso Wilaayada Bakool oo ka hadashay Jabka Itoobiyaanka Gobalka ku Gaaray.

Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Bakol Sheekh Cismaan Abuu Cabdiramxaan ayaa si faah faahsan uga hadlay Khasaaraha  sii kordhaya ee Ciidamada Itoobiya ku gaaray Dagaalkii Cuslaa ee Todobaadkii la soo dhaafay lagula eegtay Duleedka Degmada Rab dhuurre ee Gobalka Bakool.

laba Bayaan oo horay uga soo baxay dhanka Xarakada Shabaabul mujaahidiin   tirada dhimashada ku xusan marka la isu geeyo waxay noqoneysaa in 284 askeri Itoobiyaanka laga dilay ha heshee Waaliga Bakool oo Shalay ka qayb galay Barnmaaijka Diiradda Jimcaha ee Idaacadda Islaamiga ahe e Alfurqaan waxa uu sheegayaa in sadax Boqol ay ka badan yihiin Askarta Itoobiya laga dilay maxaa yeelay buu yiri hareeraha halkii lagu dagaalamay ayaa hadba reer baadiyuhu ka soo sheegayaan Meydad hor leh.

Musasada Alkataaib ayaa laba mar waxa ay baahisay sawirada Ciidamada Itoobiya oo meydadkooda la iskor saaray iyo Gaadiid laga gubay iyo gawaari kale oo lagala wareegay.

Dagaalka Itoobiyaanka ka dhan ah oo oo ay Ciidamada Xarakada Shababaul Mujaahidiin qaadeen Xilli Itoobiyaanka oo u socday Waajid ay ku sugnaayeen goob ay Habeenkii ku hoydeen ayaa Itoobiyaanka lagu gaarsiiyay jab saameyntiisa Dalka iyo dibaddaba si weyn looga hadal hayo.

Halkaan ka dhegeyso Wareysiga Waakila Bakool

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.