Dhul Gariir Ku dhuftay Dalka Jabuuti ee Asal ahaan Ka Go’ay Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya dalka Jabuuti ayaa ku waramaya in dhul gariir laga dareemay qeybo kamid ah wadankaas, aroornimadii hore ee maanta oo Khamiis ah.

Dhul gariirka ayaa lagu soo waramayaa in cabirkiisu ahaa 5.2 magnitude. Allaah mahaddii lama soo warin wax burbur ah oo ka dhashey dhulgariirkan iyo sidoo kale wax khasaare ah.

Dhawaan ayaa dhul gariir xoogan oo ku dhuftay dalka Marooko oo dhaca qaaradda Afrika waxa uu ku dilay kumanaan qof, halka ay ku burburaan xaafado badan oo katirsan magaalada Maraakish iyo deegaannada u dhow.

Musiibooyinka Rabaaniga ah ee gallaafanaya nolosha dad badan ayaa kusoo badanaya adduunka, waxaana culimada Muslimiintu sheegeen iney ugu wacantahay dunuubta iyo macaasida.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.