Gabar saarneyd Gaari Rakaab ah Oo Lagu Toorreeyey dalka Ingiriiska.

Dhacdo gilgishay gudaha dalka Ingiriiska ayaa laga soo warinayaa magaalada London ee caasimadda wadankaas, kadib markii wiil dhalinyaro ah uu toorrey ku diley gabar da’ yar oo ardayad ah, taasoo wax ka dhigata madaraso gaar loo leeyahay oo ku taalla magaalada caasimadda.

Gabadhan toorreyda lagu dilay ayaa saarneyd gaari dadweyne oo rakaab ah, waxaana toorrey dheer qoorta kaga muday wiil kamid ahaa rakaabka gaariga, oo sida muuqatay aqoon hore u lahaa gabadha.

Dadka saarnaa gaariga waxay soo wariyaan in gabadha la dilay oo 16 sano jir ah uu usoo dhawaaday wiilka dilka geystay oo isaguna 17 sano jir ah, hase ahaatee ay ka codsatay inuu ka fogaado oo aanu usoo dhawaan, markaas kadibna uu si lama filaan ah ula soo baxay mindi, qoortana kaga muday.

Dadka gaariga saarnaa oo uu ku jiro darawalka ayaa gurmad deg deg ah u sameeyay gabadha la toorreeyay, taasoo si daran u dhiiga baxday, ka hor inta aanu shaqaalaha caafimaadka soo gaarinna u dhimatay dhaawaca soo gaaray.

Gacan ku dhiiglaha dilka geystay ayaa ka baxsaday goobta, walow saacad kadib ay gacanta kusoo dhigeen ciidamada booliiska, kuwaasoo u taxaabay xabsiga.

Hooyada dhashey gabadha toorreyda lagu dilay ayaa walaac ka muujisay dhacdadan, waxayna tilmaamtay iney dalka Ingiriiska ku badantahay dhibaatooyinka la xiriira in dhalinyarada soo koreysa ee goobaha waxbarashada ku sugan ay dhexdooda is dilaan.

Gabadha toorreyda lagu dilay oo 15 sano jir ah, ayaa xilliga la dilayay waxay kusii jeeday iskuul ay wax ka barato oo ku yaala deegaanka Karidon ee koonfurta London, waxaana wehlinayay ardey isuga jira gabdho iyo wiilal oo ay isku fasal yihiin.

Waa dhacdadii 16-aad ee ka dhacda dalka Ingiriiska sanadka 2023-da, taasoo lagu dilo dhalinyaro wax ka dhigata madaarista, 13 kiis oo kamid ah xaaladahan waxaa lagu dilay 13 arday, iyadoo la adeegsanayo Toorrey ama mindi.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.