Kenya Oo Lamu Ka Dhiseyso Wadooyin ay Adeegsadaan Ciidamada Ammaanka.
Iyadoo ay gobolka Laamu ee dhaca xeebaha Kenya, kana mid ah dhulalka muslimiinta ee ay maamusho dowladda Kenya, waqtiyadii u dambeeyay kusii xoogeysanayeen weerarada ay fulinayaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayay dowladdu qaadeysaa tallaabooyin lagu yareyn karo weeraradaas.
Saraakiisha ammaanka ee gobolka Laamu ayaa tilmaamay iney dhisi doonaan wadooyin ay si fudud u adeegsan karaan ciidamada Ammaanka, si ay si fudud ugu gaaraan goobaha laga soo sheego iney soo weerareen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Haweeneyda lagu magacaabo Rhoda Onyancha oo ah gudoomiyaha gobolka Laamu ee dowladda Kenya ayaa sheegtay in wadooyinkan la dhisayo ay sahli doonaan in si fudud ay ciidamada Ammaanka isugu gurmadaan, marka ay la kulmaan weeraro ka yimaada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Haweeneydan ayaa ka hadlaysay munaasabad lagu daah furayay dhismaha jidadka ay adeegsanayaan ciidamada Ammaanka, taasoo ka dhacday deegaanka Juhudi ee katirsan gobolka Lamu.
” Wadadan aan dhegex dhigeyno, waxay laamaheena amniga ka saacideysaa iney si fudud isugu gudbaan marka ay la dagaallamayaan dembiilayaasha, culees ayay nagu ahaayeen wadooyinka burbursan marka aan ka hortageyno dagaallada ay cadowga nagu soo qaadaan” ayay tiri Rhoda Onyancha oo ah gudoomiyaha gobolka Lamu.
Wadooyinka la dhisayo oo lix gaaraya ayaa kala ah jidka isku xira Witu iyo Pandanguo oo 20 km ah, kan isku xira Mkokoni iyo Kiunga oo 40 km ah, Bodhei-Kiunga, Pangani-Bodhei-Kiunga, Kiangwe-Basuba, iyo Witu-Sendemke-Katsaka Kairu.
Maamulka gobolka Laamu wuxuu sheegay inuu xil iska saari doono sugidda amniga shaqaalaha dhisaya wadooyinkan, xilli dhawaan channelka wararka ee Al-Kataa’ib uu baahiyay muuqaal muujinaya weerar lagu qaaday shaqaalaha mashruuca Lapset.