Mareykanka oo 8 Qof oo Caruur iyo Haween Isugu Jira Ku Xasuuqa Bakool.

Xasuuqan Ma U Muuqdaa Mid Looga Jawaabayo Wixii Ku Dhacay Xabashida?

Diyaaradaha dagaalka ee dowladda Mareykanka ayaa dad shacab ah ku gumaaday wilaayada Bakool ee dalka Soomaaliya Jimcihii maanta oo ay taariikhdu ku beegnayd 03-02-1445.

Dakan maatida ah oo ay tiradoodu gaareyso 8 ruux ayaa ka kooban 2 dumar ah iyo 6 caruur ah kuwaasoo duqeyn bahalnimo ah lagula beegsaday degmada Buurdhuxulle ee wilaayada Islaamiga Bakool.

Dadka abriyada ah ee uu Mareykanku gumaaday ayaa kala ah:

1- Xafso Sheekh Isxaaq Cabdullaahi, 7 sano jir.
2- Asmo Sheekh Isxaaq Cabdullaahi, 5 sano jir.
3.- Fatxi Sheekh Isxaaq Cabdullaahi, 4 sano jir.
4- Jawaahir Sheekh Isxaaq Cabdullaahi, 3 sano jir.
5- Wiilo isxaaq Axmed ( Ilmaha la duqeeyay hooyadood)
6- Zaynab Cabdi Cabdullaahi, 14 sano jir.
7- Juweeriya C/llaahi, 4 sano jir.
8- Ayeeyo Faadumo Ibraahim ( Ayeeyada ilmaha) 70 jir.

Sida ay soo sheegayaan wariyaasha ku sugan Buurdhuxulle, maamulka islaamiga ah iyo dadka shacabka ah ayaa aasay dadka rayidka ah ee ay xasuuqeen Mareykanka.

Dhawaan ayay ahayd markii diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ay duqeyn u geysteen qoys degganaa Galgaduud gaar ahaan degaan lagu magacaabo Ooweyne, halkaas oo ay ku duleen 5 caruur ah iyo ayeeydood, iyagoo qaatay meydadka dadkaas, inkastoo ay dhawaan sheegeen in hal cunug oo nool ay hayaan

Si kastaba ha ahaatee gumaadka bahalnimad ah ee Bakoola ayaa kusoo aadaya iyadoo dhawaan agagaarka degaanka Rabdhuurre uu ka dhacay dagaal lagu laayay ciidamo badan oo Itoobiyaan ah, waxaana jira dad badan oo aaminsan in Mareykanka uu leynta abriyada ku qancinayo Xabashida oo ay diinta Kiristanka wadaagaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.