Qaraxyo khasaaro dhaliyay oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
Magaalada Muqdisho Waxaa xalay laga maqlay qarax Dhowr ah oo lala beegsaday xarumo ay ciidamada dowladda ku suganyihiin.
Qaraxyada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday ciidamada katirsan dowladda oo ku sugnaa goobaha la weeraray.
Qarax koowaad ayaa lala beegsada fariisin ciidamada dowladda ku leeyihiin xaafada Haanta dheer degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho.
Qaraxaasi waxaa la xaqiijiyay inuu hal askari ku dhintay,waxaana ku dhaawacmay Askari kale.
Isla Banaadir waxey ciidamada Alshabaab xalay qarax la beegsadeen fariisin ciidamada dowladda ay kaga suganyihiin xaafada Taleex degmada Hodan ee Muqdisho.
Sidoo kale Howgal qorsheysan oo ciidamada Mujaahidiintu ay ka fuliyeen degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho waxey ku dileen askari loogu yeeri jiray Indha Buur oo katirsanaa ciidamada dowladda.