Saraakiil iyo Askar Maraykan ah Oo ku dhaawacay Weerar ka dhacay Kulbiyow.

Ciidamo katirsan guutooyinka Madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar duqeyn ah waxay ku garaaceen saldhiga ciidamada Kenyaatiga ee deegaanka Kulbiyow.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in duqeyntaasi lagu dhaawacay 9 askari oo Kenyaan ah, oo uu ku jiro sarkaal labo xidigle ah, 4 kamid ah dhaawacyada Kenyaatiga ayaana xaalkoodu garaab yahay.

Marka laga soo tago askarta iyo saraakiisha Kenyaatiga, waxaa duqeynta ku dhaawacmey 4 ruux oo Ameerikaan ah, kuwaasoo isuga askar iyo saraakiil.

Diyaarad hellicopter ah ayaa kusoo degay saldhiga ciidamada Kenyaatiga ee Kulbiyow, kuwaasoo sida la rumeysanyahay daabuley dhaawacyada saraakiisha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.