Sweden oo Lagu Gubay Mid Kamid ah Masaajidda Ugu Waaweyn ee ay Muslimiintu ku Leeyihiin Dalkaas.

Dab “si ula kac ah” loo kiciyay ayaa maalintii shalay oo Isniin aheyd ka kacay dalka Sweden, kaas oo khasaare ba’an u geystay masaajid ku yaalla koonfur-bari ee Sweden, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha ee dalkaas.

Madaxa is-gaarsiinta ee Masjidka dabka la qabad siiyay oo la hadlay warbaahinta rasmiga ah ee xukuumadda Sweden ayaa shaaca ka qaaday, in dabkaan si ula kac ah loo qabad siiyay masjid ku yaalla Mandiqadda Arbi oo katirsan magaalada Iskiloston ee koonfur bari dalka Sweden.

Waxa uu intaa ku daray, in boliska xukuumadda dalka Swden ay horay u diiwaan galiyeen, hanjabaado iyo tacaddiyo horraan loogu geystay masjidkaan ay leeyihiin dadka Muslimiinta ah, isagoo hoosta ka xarriiqay, in ay aaminsan yihiin in dabkaan si ula kac ah loo qabadsiiyay masjidka.

Dhankooda boliska dowladda Sweden ayaa war ay soo saareen, islamarkaana ay ku baahiyeen baraha ay ku leeyihiin Internetka waxay ku sheegeen, in masjidka aan iminka la adeegsan karin, sababo ku aaddan dhibaatada xooggan ee kasoo gaartay dabka, iyagoo intaa sii raaciyay, iney wadaan baaritaanno ku aaddan falkaan.

Mid kamid ah saraakiisha waaxda dab damiska iyo gurmadka deg degga ah ee ka qeyb qaadanayay daminta masjidka ayaa saxaafadda u sheegay, in ay adag tahay daminta dabka, maadaama masjidka laga gubay saqafka sare, intaas kadibna uu dabku ku faafay qeybaha kale ee dhismaha.

“Ma jiraan wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dabkaan, maadaama aysan cidna ku jirin gudaha masjidka xilligii duu dabku kacay” ayuu yiri sarkaalkaan katirsan waaxda dab damiska iyo gurmadka deg degga ah ee ka qeyb qaadanayay daminta dabka xooggan ee la qabad siiyay masjidkaan ku yaalla koonfurta bari ee dalka Sweden.

Dalka Sweden waxa uu kamid yahay wadamada reer-galbeedka ee sida aadka ah ula dagaama Islaamka iyo dadka Muslimiinta ah, waxaana xukuumadda ka dhisan dalkaan ay utafa xeydatay sidii ay u xumeyn laheyd qiyamka Muslimiinta, iyadoo ku kacda falal gurracan oo dhanka ah Muslimiinta iyo muqaddasaadkooda.

Halkaaan Ka Dhageyso Warbixin Sweden oo Lagu Gubay Mid Kamid ah Masaajidda Ugu Waaweyn ee ay Muslimiintu ku Leeyihiin Dalkaas.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.