Warbixin: Halkey La Egtahay Sahdaasha in Al-Shabaab La Wareegto Soomaaliya.

 

Wargeys lagu magacaabo New Arab oo kasoo baxa dalka Ingiriiska ayaa qoray warbixin uu cinwaan uga dhigay “xilli ciidamada Shisheeye ay isaga baxayaan Soomaaliya, halkee ayey la egtahay cabsida laga qabo inuu wadanka u gacangalo Al-Shabaab.

Warbixintu ayuu wargeysku ugu horreyn ku falanqeynayaa jabkii xooganaa ee ciidanka dowlada Federaalka ku gaaray bariga wilaayada Galgaduud gaar ahaan weerarkii Coosweyne iyo firxadkii jabkaas xigay ee ciidanka dowladdy ay kagasoo baxeen difaacyadii ay ka joogeen Sh/dhexe iyo Galgaduud.

Wuxuu wargeyskan sheegay in jabkii Cowsweyne uu ahaa midkii ugu xumaa ee soo gaara DF tan iyo markii la aas-aasay nidaamkan taariikhdiisa inta la xasuusto islamarkaana uu caksi u bedelay guulihii laga filayey in laga gaaro taqadumkii ay dowladdu ka sameeyneysay deegaannada dhaca bartamaha Soomaaliya.

Wargeyskan oo soo xiganaya falanqeeyeyaal ka faalooda arrimaha siyaasada ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuldareystay inay awood military uga adkaato Jihaaadiyiinta dhanka kalena ku fashilantay in deegaanadii ay qabsatay ay gaarsiiso adeegyada aas-aasiga ee dowladnimada.

Xarakada Al-Shabaab ayuu wargeysku sheegay in ay kasoo kabsatay weerardii lagu qaaday sanadkan, dhanka kalena ay dowlada Xasan Sheekh kaga horreyso bixinta adeegyada aas-aasiga ee dowladnimada.

Mar uu soo hadal qaaday bixitaanka ciidamada Afrikaant ee ATMIS iyo sida uu noqon doono mustaqbalka dalka ayuu sheegay in aysan jirin rajo ah in ay kooxda DF la wareegto amniga dalka Soomaaliya, haddii ay ciidamada shisheeye guuraana uu wadanku ku dhici doono gacanta Jihaadiyiinta.

“in ciidamada dowlada Soomaaliya ay si buuxda ula wareegaan amniga dalkaan dhamaadka sanadka 2024-ka waa mid aad u adag, waxa aan hadda arkeyno waa cadaadis xooggan oo fiirsanaya uun jadwal cayiman kaas oo aan wax ku dhisaneyn xaqiiqada taalla fagaaraha” ayuu yiri Omar Maxamuud oo ka tirsan hay’adda ICG ee ka faaloota xasaradaha dunida.

Dhagayso Warbixin- wargeyska ARAB NEWS- Soomaaliya kadib ka bixitaanka Shisheeyaha

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.