Weeraro Saraakiil & Askar Lagu Dilay oo Ka Dhacay Sh/hoose, J/hoose, Xamar & Bakool.
Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa hawlgallo iyo weerarro ka fuliyay habeenkii xalay gobolada Banaadir, Bakool, Sh/hoose iyo Jubbada Hoose.
Muqdisho haddaan ku horreyno waxaa hawlgal gaar ah lagu dilay sarkaal ka tirsan ciidankii dalka Erataria lagu soo tababaray. Sarkaalka oo lagu magacaabi jiray Xasan ayaa waxaa si gaar ah loogu dilay degmada Dayniille.
Afgooye oo Muqdisho u dhow waxaa iyana ka dhacay hawlgal qorsheysan oo lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidanka sirdoonka qeybtooda dharcadka kaasoo la oran jiray Maxamad.
Jubbada hoose gaar ahaan magaalada Kismaayo waxaa habeenkii xalay qarax lagu weeraray taliyaha ciidanka Danab oo lagu magacaabo Carab Dheeg.
Taliyaha ayaa ku sugnaa xilligii weerarku dhacayay gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Farjanno balse wuu ka badbaaday waxaase si daran ugu dhaawacmay 2 kamid ah ilaaladiisa.
Dhanka Bakool, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa madaafiic ku garaacay askar Itoobiyaan ah oo ku go’doonsan meel u dhaw goobtii uu todobaad ka hor ka dhacay weerarkii khasaaraha badan lagu gaarsiiyay ee duleedka degmada Rabdhuurre.
Wararka ka imaanaya Bakool ayaa sheegaya in 12 Madfac lagu garaacay Xabashida, halka qarax lala beegsaday Xabashi kale oo ka baxday degaanka Yeed ee wilayaada Bakool.