Askar Katirsan Nuseyriyada Bashaar Al-Asad oo ku Dhaawacmay Duqeyn uu Maamulka Yahuudda ka Fuliyay Suuriya.

Wararka ka imaanaya dalka Suuriya ayaa ku waramaya in diyaaradaha dagaalka ee Maamulka Yahuudda ay weerar xagga hawada ah ka fuliyeen qeybo kamid ah dalka Suuriya, halkaas oo lagu beegsaday qaar kamid ah Maleeshiyaadka nidaamka Nuseyriyada ee Bashaar Al-Asad.

Warbaahinta rasmiga ah ee Suuriya oo soo  xiganeysa inla wareedyo mellatari ayaa sheegaya, in Kayaanka Suhyuuniga ah uu weerar duqeyn ah la beegsaday, xarumo ay ciidanka Nuseyriyada ku leeyihiin nawaaxiga magaalada Deyru-Zuur, halkaas oo ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 2 askari, halka khsaare hantiyeedna ay geysatay duqeynta.

“Diyaaradaha cadowga ayaa weerar cadowtooyo oo xagga hawada ah waxay ku soo qaadeen, qaar kamid ah xarumaha ay ciidankeenna ku leeyihiin nawaaxiga magaalada Deyru Zuur, taas oo sababtay in ay dhaawacmaan 2 askari, iyo khasaare hantiyeed” ayuu yiri ila wareed mellatari oo u warramay warbaahinta rasmiga ah ee Nidaamka Bashaar Al-Asad.

Dhanka maamulka Yahuudda oo aan looga baran inuu inta badan ka hadlo duqeymaha uu ka geysanayo dalka Suuriya ayaanan illaa iyo hadda wax war ah kasoo saarin, duqeyntaan ay diyaaradahooda ka fuliyeen qeybo kamid ah magaalada Deyru-Zuur ee dalka Suuriya.

Duqeyntaan ayaa kusoo aadeysa maalmo un kadib, markii taliska mellatariga ee maamulka Yahuudda uu iclaamiyay, in dabaabaadkoodu ay duqeeyeen waxa uu ku tilmaamay 2 xarumood oo kumeel gaar ah, kuwaas oo ay adeegsanayeen ciidanka nidaamka Nuseyriyada ee Bashaar Al-Asad, kuna yaalla Mandiqadda Ceynu-Tiinah ee buuraha Al-Jowlan.

Dhowrjeer oo hore diyaaradaha maamulka Yahuudda waxay duqeymo ka geysteen dalka Suuriya, iyagoo beegsaday xarumo iyo saldhigyo ay leeyihiin ciidamada Nuseyriyada, waxaana jira khilaaf u dhexeeya maamullada Yahuudda iyo kan Nuseyriyada oo salka ku haya xiriirka wanaagsan ee Nidaamka Nuseyriyada uu la leeyahay ururka shiiciga ah ee isku magacaabay Xisbullaah.

Kayaanka Suhyuuniga ah ayaa waxa uu mar waliba ah ku cel celiyaa, iney sii wadi doonaan duqeymaha uu ka fulinayo dalka Suuriya, kuwaas oo uu sheegay inuu ka hor tagayo isku dayada ay dooneyso Xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan ee ku aaddan iney ku xidadeysato islamarkaana wujuud mellatari ku yeelato Suuriya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.